Kenya oo gacanta ku dhigtay xubno doonayey inay ku biiraan Al-Shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad doonayay in ay ku biiraan dagaalamyaasha Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Ismaamulka Siaya, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen illaa iyo shan ruux oo dhalin yaro ah, kuwaas oo qorsheenayay in ay tagaan Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen labo ruux oo kale kuwaas oo sanadkii lasoo dhaafay la qabtay, iyagoo doonaya inay dhax maraan dalka Tanzania si ay ugu biiraan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa Al-Shabaab ku eedeysay inay bartilmaameed sadaan dadka nugul sida dhalinyarada iyo haweenka, kuwaas oo ay shaqaalaysiiyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.