Dani oo 20-cisho kadib dib ugu soo laabtay Garowe

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahu Deni oo mudda 20 cisho ah safar ugu maqnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Sabti ah dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweyne Dani ayaa goor dhaw lagu soo dhaweeyey magaalada Garowe ku soo dhaweeyay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha maamulka, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe.

Dani ayaa markii uu Garoonka ka soo degay, wuxuu si toos ah ugu soo gudbay xarunta madaxtooyada, isagoo aan ka warbixin safarkiisi magaalada Dubai ee dalka Imaraaadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, halkaas oo uu shalay soo gaaray, waxaana uu halkaasi xalay kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shide oo ay ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo ku saabsan iskaashiga labada dale e Soomaaliya iyo Ethiopia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.