Australia oo wajaheysa kuleyl daran

0

Australia waxaa ay wajahaysaa mid ka mid ah kuleylkii ugu darnaa ee inta laxasuusto soomara dalkeeda, waxaana heer kulku uu gaarey 40-50 digrii xitaa waxaa aad u adag  isku socodka dadweynaha, waxaana kuleylkan mid lagu mataalay uu dalkaas ka dhacay 2-dii bishii Jaunry sanadkii 1960-kii.

Maalmihii u danbeeyey ayaa waaxda saadaasha hawada waxay ka digeysay  kuleykan haddda ka bilaawday dalkaas, iyadoo guud ahaan  goobaha caafimaadka heegan la galiyey.

Dowladda ayaa sheegtay in si deg deg ah loo caawi doono dadka kuleykaan aadka u daran uu saameyn ku yeesho noloshooda, waxaana la saadaalinayaa in kuleykan uu siisocon doono liaa na soo aadan.

Australia waxay ka mid tahay meelaha inta badan ay ka dhacaan kuleylka iyo qabow aad u daran, balse kuleykaan ayaa waxaa uu noqonayaa mid ka duwan oo ka halis badan kuwii hore.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.