Muxuu yahay ujeedka safarka uu Kheyre maanta ugu baxay Qatar?

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa December 14-15, 2019.

Waa markii seddaxaad ee Kheyre uu ka qeyb-galayo Madasha Dooxa. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay madasha Dooxa uga qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017-kii.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.

Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Waxaana sidoo kale xog ku helnay inuu kulamo kale oo gooni ah la qaadan doono mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Qatar, oo uu si gaar ah ugala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.