Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Sharci muhiim ah iyo xeerar dhow ah

0

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda bani’aadanimo ee ka jirata degmada Afgooye oo wabiga Shabeelle uu ku fatahay iyo gobolka ay magacaawday Puntalnd ee Gardafuu oo ay ku rogmadeen daadad ka dhashay roobabkii dabeylaha watey ee ka da’ay inta bodan deegaanada Puntland.

Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay weerarkii habeenka hor ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana golaha faah-faahin ka siiyey Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna Golaha dhankooda bogaadiyeey qaabkii firfircoonida lahaa ee looga jawaabay weerarkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.