Qaabka uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen SYL Hotel

0

Abaaro 7:00-pm habeenimo ee xalay dagaalyahano hubaysan ayaa gudaha u galay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhex yaalla xeyn daabka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkan oo ka duwanaa ku wii looga bartay Al-Shabaab oo ku bilaaba jiray qaraxyo is miidaamin ah oo hadba meeshii ay galayaan dagaalyahanadoodu uga hor mari jiray ayaa waxaa fuliyey shan nin oo soo xirtay Tuutaha ciidanka booliska dowladda Soomaaliya.

Ragga soo qaaday weerarka oo ka yimid dhinaca isgoyska Ceel-gaabta ayaa si ay gudaha u galaan  hotelka waxay iyagoo iska dhiganaya jaraanjaro ka soo boodeen derbi dheer oo dhabarka danbe uga wareegsan Hotelka.

Labo ka mid ah shantii dagaalame ayaa goobtaas lagu toogtay, waxaana gudaha u galay hotelka seddax ka mid ah dagaalyahanadii hubaysnaa, kuwaas oo toogasho ka bilaabay banaanka iyo gudaha hotelka.

Hotelka waxaa ka dhaceysay labo xafladood oo mid aheyd bandhig bookaagg lagu soo bandhigaayey, halka tankale ay aheyd casho sharaf loo sameynayey siyaasiyiin iyo wax-garad shalay Muqdisho uga qeyb galay caleema saarka guddoomiyaha golaha hoggaaminta mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.

Seddaxda nin oo ay u suurta gashay inay gudaha u galaan hotelka waxay ugu horeyntiiba toogteen seddax oday oo ka mid ahaa odayaashii ku casuumnaa goobta oo ay ku kulmeen barxadda hore ee Hotelka.

Dagaalamayaasha ayaa u gudbay gudaha waxayna ka bilaabeen toogasho in kastoo dadkii badankooda ay carareen qaarna qolal isku soo xireen, durbadiiba waxaa gudaha u galay hotelka ciidamada koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada oo wata gaadiid dagaal, waxayna banaanka u soo saareen dad u badan siyaasiyiin oo ku go’doonsanaa qeybo ka mid ah hotelka.

Mid ka mid ah sarakiisha hoggaaminaysa ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee ku howlan soo afjaridda weerarkaas ayaa noo sheegay in seddaxda dagalame ay ciidamadu uga hor mareen qeybta sare ee Hotelka, halkaas oo sida uu sheegay ay doonayeen inay ka dagaalamaan.

Ciidamada ayaa ku guulaystay inay weerarkaas oo afjaraan saqdii dhexe ee xalay abaaro 1:40 xilliga Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa weerarkaas lagu dilay in ka badan 5 ruux halka dhaawacuna uu intaas kor u dhafayo, balse waxaan la xaqiiji karin khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas,  maadaama ay tahay goor hore.

Inta aan ognahay dadka dhintay waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee garyaqaan Cabdulqaadir Cumar Cabdi oo ahaa Garsoore katirsanaa Maxkamadda Racfaanka, sarkal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Ismaaciil Warsame Muuf, seddax dii oday oo horay aan in kugu soo sheegay oo aan wali la kala sheegi n magacyadooda, Askar iyo dad kale.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyada xildhibaano kalana  laga saaray Hotel-ka.

Cabdixamiid Cabdikariin Xuseen oo ah guddoomiye ku xigeenka dagmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay Weerarka,

Guddoomiye ku xigeenka anmiga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banbaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa sheegay intii weerarku socday in hotelka laga soo saaray iyaga oo bad qaba 82.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidadamada dowladda oo lagu magacaabo Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray Danab oo  ku sugnaa hoteelka weeraku dhacay  Waxa uu VOA-da  u sheegay in ciidankiisu ay difaaceen isaga iyo dad kale oo ku sugnaa Hotelka xilliga weerarku dhacay.

Jeeniqaar ayaa  sheegay  in Kooxda Weerarka Soo qaaday  ay ku hubaysnaayeen qoryaha fudud iyo barmbooyinka gacanta laga rido.

Mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa durbadiiba sheegtay dagaalamayaasha  Al-shabaab waxayna warbaahintooda ku sheegteen in  weerarku uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ku dheggan Taallada SYL kuna dhow Aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa Al-Shabaab kala  kulmay dhowr weerar oo hore waxana lagu dilay dad badan.

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xalay la xiray wixii ka danbeeyey markii weerarku bilaawday,  balse xaaladda magaalada iyo guud ahaan aagga hotelka uu weerarku dhacay ayaa saakay degan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.