Dagaal khasaare geystay oo ka socda degaan ka tirsan G/Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya deegaan lagu magacaabo Mareero oo u dhaw deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanka, balse waxaan wali la xaqiiji karin inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Qof ku sugan deegaanka Mareero oo uu dagaalku ka socdo ayaa noo sheegay in dadka ku dhintay dagaalka ay gaarayaan laba ruux, halka uu sheegay inuu arkay dhaawaca labo qof oo kale.

Ma jirto cid wali ku baxday sidii waan-waan look ala dhex dhigi lagaa beelaha ku dagaalamaya deegaanka Mareero ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.