Madaxtooyada Puntland oo war ka soo saartay colaadda G/Mudug

0

Madaxtooyada Puntland ayaa mar kale si kulul uga hadashay colaad beeleedyada dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inay Puntland aad uga xun tahay dagaallada ka socda deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland ay cidkasta uga digeyso ka qeyb qaadashada hurinta colaadaas.

War-saxaafadeedkan ayaa loogu baaqay beelaha dagaalamaya inay xabadda joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan.

Shalay ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabacad uu dagaalkaas ku eedeeyey inay ku soo qaaday Galmudug.

Dhabancad ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Galmuudug ay hurinayaan xiisada, isla markaana ay gaadiid dagaal u soo direen halka uu dagaalku ka socdo, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaal ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa u dhexeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda deegaanada ay ka arimiyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Xiisada ayaa weli ka taagan deegaanadaas dhaca bariga gobolka Mudug, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaas.

Halkaan ka akhriso warka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland:

Warqadda
Warqadda

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.