Koxoo hubeysan oo toogasho ku dilay Macalin Dugsi Qur’aan

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho ay xalay rag hubeysan ka geysteen demada Wanlaweyne ee gobolka Shabeellaaa Hoose.

Raggaan oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa Macalin Dugsi Qur’aan ku dilay gudaha degmadaasi, iyagoo sidoo kale dhaawacay qof kale oo shacab ah.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Macalin Cusmaan Cirbad, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu salka ku hayo arrimo la xariira aano Qabiil, iyadoona kooxdii ka dambeysay ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saakay lagu soo warramayaa in howlgallo ay ka wadaan degmada Wanlaweyn, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii geystay dilka Maclinkaas iyo dhaawaca ruuxa kale.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada Wanllaweyn iyo kan gobolka Shabeelllada Hoose oo ku aadan dhacdadaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.