Boqorka Qatar oo ka baaqday shirka dawladaha khaliijku ku leeyihiin Sacuudiga

0

Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamiim Xamad Al-Thaani ayaan ka qeyb galayn shirka ay madaxda dawladaha Khaliijku ku leeyihiin caasimada dalka Sacuudiga ee Riyad.

Warbaahinta dalka Qatar ayaa baahisay in boqorku ka baaqday ka qeyb galka shirka dawladaha Khaliiijka Carbeed waxaana uu diray wafti uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha  Qatar Cabdullaahi Bin Naasir Al-Khaliifa.

Horey qorshuhu waxaa uu ahaa in shirkaan uu ka qeyb galo boqorka dalka Qatar waxaana lagu wadaa in shirkaan lagu dhameeyo khilaafka dawladaha Carbeed qaarkood kala dhaxeeya dawlada Qatar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.