Wasiirka Shaqada Sadiiq Warfaa oo IStanbuul kula kulmay dhiggiisa Turkiga

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kullan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada, Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee dalka Turkiga, Marwo Zehra Zumrut Selcuk.

Kullanka oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa looga wada-hadlay mashaariicda socda ee ku saabsan xoojinta shaqaalaha iyo shaqaalaysiinta.

Waxaa kalo lagu dheeraaday inta uu kullanka socday sidii loo guda-gali lahaa is afgarad la xiriiray horumarinta iyo tababarada shaqaalaha oo labada wasaaradood ay horey u gaareen,iyadoo is afgaradka ay ansixiyeen golaha wasiirrada ee labada dal.

“Sidoo kale waxaan isweydaarsaday aragtiyo ku saabsan kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya labadeena dal.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo xukuumadda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa u jooga Istanbul ka qeybgalka shirka koowaad ee heerka wasiirrada ah ee ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada,halkaa oo uu khudbad ka jeedin doono.

3
3
Warfaa 1
Warfaa 1
Warfaa2
Warfaa2

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.