Wararkii ugu dambeeyey weerar askar lagu dilay oo ka dhacay Boosaaso

0

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay weerar qorsheysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulka  Puntland.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan daraawiishta maamulka Puntland, xilli ay marayeen bartamaha magaalada Boosaaso.

Rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Xaaladda ayaa saakay degan, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi ciidamada amnigu haatan ka wadaan xaafadaha magaalada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.