Wararkii u danbeeyey dagaal khasaare badan sababay oo ka dhacay G/Mudug

0

Dagaal waaberigii hore ee saakay dib uga qarxay duleedka deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah iyo dhaawacyo intaas ka badan.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa loo kala qaaday isbitaalada magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garacad, waxayna labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya ka soo kala jeedaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wararkii ugu danbeeyey ee aan ka heleyno goobihii ay saakay ku dagaalameen labadaas beelood ayaa waxay sheegayaan in abaaro 11:00am ee duhurnimo uu si kiis ah u istaagay dagaalku.

Guddoomiyha gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin dagaalka saakay ka bilaawaday deegaanka Towfiiq, isagoo sheegay inay isu diyaarinayaan sidii ay u kala dhex gali lahaayeen beelaha dagaalamaya, waxuuna dhinaca Puntland ka dalbaday inay doorkooda ka qaataan sidii loo joojinlahaa dagaalka.

Dowladda federaalka oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya halkaas inay ka baaqsadaan dhiiga daadanaya, waxuuna Afhayeenka wasaaradda warfaafinta oo u hadlay dowladda uu sheegay in la diyaarinayo ciidamo isku dhaf ah oo loo dirayo daminta colaadaas.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.