Somaliland oo la wareegtay Hotel la suray calanka Soomaaliya

0

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamadda Somaliland ay la wareegeen Hotel cusub oo lagu magacaabo Peace, kaas oo maanta  laga furay Laascanood, isla markaana la suray calamada Soomaaliya, Jabuuti, Turkiga, Somaliland iyo Kenya.

Ciidamada ayaa la sheegaya inay dhulka dhigeen calanka Soomaaliya markii ay soo gaareen Hotelka oo ay ka socotey munaasabad xariga looga jarayey, maadaama uu cusbaa oo maanta la furayey.

Ciidamada ayaa xiray milkiilihii Hotelka, qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay munaasabadda iyo Weriyaal lagu casuumay xafladda oo tabinayey.

Ciidamada ayaa guud ahaanba la wareegay hotelka, waxayna dajiyeen oo kaliya calanka Soomaaliya iyagoo aan taaban ku wii kale sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaa xusid mudan in Somaliland ay horay dad lagu arkay calanka Soomaaliya ugu xireen magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan deegaanadeeda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.