Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay dagaal ka socda qeybo ka mid ah G/Mudug

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay si kulul uga hadashay dagaal ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed

Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xun tahay dagaalkaas,isla markaana loogu baaqayo Maleeshiyaadka inay dagaalka joojiyaan.

Ismaaciil Mukhtaar Oronjo  Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbaleyn in si fudud loo daadiyo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu balanqaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo hor leh  u direyso maleeshiyaadka dagaalamaya si loo kala dhex galo.

Afhayeenka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in maxkamad lala tiigsan doono dadka ku lugta leh dagaal beeleedkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.