Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo maanta hor tagaya golaha shacabka

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wargeliyey inuu jiro kulankii guud ee golaha.

Ajendaha kulanka  maanta ayaa ah Xog- wareysiga ama su’aalo weydiin ku aadan wasiirrada amniga iyo duulista hawada oo maanta lagu wado inay hortagaan golaha.

Horay ayuu goluhu uga dalbaday wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar inay hor yimaadaan, si wax looga weydiiyo arrimo dhowr ah oo dalka ka dhacay.

Xubno ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa noo sheegay inta badan su’aallo wey diinta labadaasi wasiir inay ku saabsantahay xayiraadii dhanka duulimaadka ee la saaray magaalada Kismaayo iyo sidoo kale cidda amartay tii garoonka Aadan Cadde loogu geystay wafdi ku wajahnaa Kismaayo oo uu hoggaaminayey madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.