Hargeysa: Qoys dhamaantood ku dhintay guri ku dumay

0

Xaafadda Bir-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa saakay ka dhacday arin murugo leh, kadib markii qoys ka koobnaa afar ruux ay dhamaantood ku geeriyoodeen gurigoodii oo ku soo dumay.

Qoyska oo ka koobnaa labo caruur ah, Aabahood iyo hooyadii reerka oo sida la sheegay xaamilo aheyd ayaa dhamaantood ku dhintay gurigooda oo ku soo dumay, waxaana hada socda gurmad meydkooda looga soo saarayo dhismaha dumay.

Lamaaha gurmadka deg dega ah ee magaalada Hargeysa, mas’uuliyiin iyo shacab ayaa gaaray goobta ay dhacdadaasi ka dhacday oo ah xaafadda Bir-jeex.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Maroodi-Jeex oo goobta gaaray ayaa warbaahinta u sheegay inay xaqiijiyey geerida dhamaan dadka uu dhismuhu ku dumay.

In uu dumo dhismahan ayaa waxaa sababay roobab tan iyo xalay ka da’ayey magaalada Hargeysa, mana jirto inta la ogyahay dadka kale oo ay wax yeello ka soo gaartay roobab ka da’aya magaalada Hargeysa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.