Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya sharci muhiim ah
Waxa ay maanta sii wadayaan Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ka dooddista wax ka bedselka sharciga doorashooyinka Qaranka, kaas oo maalintii Arbacada ee la soo dhaafay ka doodistiisu ay bilaabatay.
Sharcigaan ayaa waxa ay ka soo saareen guddiga loo xilsaaray soo diyaarintiisa qodobo dhowr ah kuwaas oo dhaliyay hadal heyn badan.
Markii ay soo dhamaato doodda ay sharcigan ka leeyihiin xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka dalka, waxaa la go’aamin doonaa nuuca doorasho ee ka dhici dalka sanadka 2020/2021.