Tirada dadkii lagu laayay Ciraaq oo sii kordheysa

0

Saraakiisha ciidanka ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka Jimcihii lagu dilay bannaanbixii ka dhacay Baqdaad ay hadda gaartay ugu yaraan 20 qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 230 qof.

Nin hubeysan oo aanan wali la garan balse loo maleynayo inuu ka mid yahay taageerayaasha dowladda ayaa rasaas ku furay dad xalay ku mudaaharaaday meel u dhaw teendhada ugu weyn ee ay ku hoydaan mudaaharaadayaasha oo ku taalla agagaarka Fagaaraha Tahriir ee magaalada Baghdad.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay in xitaa ay jirreen dad toorreeyo lagu dooxay, kuwaas oo ka mid ah dhaawacyada la dhigay isbitaallada.

Dhacdadi xalay ayaa lagu tilmaamay tii ugu dhiig-daadashada badneyd tan iyo intii uu billowday bannaanbaxa ka socda Ciraaq, sidoo kalana waxay timid todobaad kaddib marki uu is casilay Ra’isul Wasaare Adel Abdul Mahdi, kaas oo isu casilay banaanbaxayada looga soo horjeedo dowladda aawadood.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.