Siddeed ruux oo dooni kula qalibantay wabiga Shabeelle

0

Wararka aan ka heleyno tuulooyin dhow ah oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan inuu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Doon ay la socdeen ilaa 8 ruux oo watay khudaar ay beerahoodii ka soo gurteen ayaa la sheegay inay ku qalibantay deegaanka Mukay-dheere oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno deegaankaas ayaa waxa ay sheegayaan in lasoo badbaadiyey dadkii ay doontu la qalibantay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Nabadoon Cali ayaa sheegay dadka la socday doonta ay khudaar ka soo gurteen deegaan lagu magacaabo Buulo-doon, isla markaana ay doontu aheyd mid gacan ku samays ah.

Dadkii la socdey doonta ayuu sheegay Nabadoonku in la soo wada badbaadiyey, balse ay biyaha wabigu qaadeen dhamaan khudaartii ay wateen nuuc walba laheyd.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.