Sheekh Bashiir Axmed Salaad: “Waan ku qanacnay raali-gelintii CC Warsame”

0

Guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo wax uu ugu yeeray towbad keenka iyo raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay inaysan culumada si qaldan u fahmin hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse uu ahaa hadal gaf ku ah diinta Islaamka iyo beeninta xaadiith saxiix ah.

Wuxuu sheegay inuu ka Sheekh Bashiir ahaan ku qancay raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale waxuu tilmaamay inuu Cabdiraxmaan si joogta ah u aflagaadeeyo culumada, balse aysan iyaga taas ka jawaabin ayna u taalo isaga iyo Allaah.

Sheekh Bashiir ayaa xusay inaysan marnaba raali ka noqon karin in Diinta lagu xad gudbo ayna iyaga u taagan yihiin ilaalinta Diinta.

Hadalka ka soo baxay Sheekh Bashiir ayaa imaanaya xilli Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo duubay muuqaalo badan oo uu ku sheegayey inuusan beenin Axaadiista saxiixa ah oo laga wariyey Nabigeenna Muxamed CSW.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.