Ruux u dhashay Sucuudiga oo dad ku laayay Mareykanka.

0

Nin hubaysan ayaa lasheegay in sadax ruux uu ku dilay saldhig ciidamada badda Mareykanka ay ku leeyihiin gobolka Florida.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in ruuxa weerarkaasi ka danbeeyay uu ahaa arday u dhashay boqortooyada Sucuudiga.

Ninkan oo markii dambe ay ciidamadu toogteen ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamad Saciid Alshamrani, isagoona xubin ka ahaa militariga Sucuudiga, halkaasina u joogay tababar.

Masuuliyiinta gudaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarka ay ku dhaawacmeen sideed ruux oo kale oo labo kamid ah ay yihiin saraakiisha ciidamada.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu lasoo xariiray boqorka Sucuudiga boqor Salmaan ugana tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.