Maxaa looga hadlay kulankii Wasiirka maaliyadda iyo Taliyaha ciidanka xoogga?

0

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ay ka wada hadleen arrimaha ciidamada.

Wasiirka ayaa kulankaas ka sheegay in wasaaradda maaliyaddu ay dar dargelisay dib u habeynta howsha maaliyadeed ee ciidamada qalabka sida.

“Maanta waxaan xarunta wasaaradda maaliyadda ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo la socotay, waxaan ka wada hadalnay howsha dib u habeynta ciidamada iyo faa’iidada ay leedahay diiwaangalinta casriga ah ee (biometric), muhiimadeena 1-aad waa ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano” Ayuu ka sheegay Wasiir Beyle kulankaas.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.