Dad hor leh oo ku dhintay rabshadaha dalka Ciraaq.

0

Ugu yaraan 19 ruux ayaa dhimatay oo ay ku jiraan dibad baxyaal iyo boolis kadib weerar ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Weerarkan oo ay qaadeen koox aanan haybtooda lagaraneen ayaa lasheegay in sidoo kale ay dhaawaceen in kabadan 70 ruux.

Weerarkan ayaana imaanaya todobaad kadib markii uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii dalkaasi Caadil Cabdul Mahdi.

In kabadan 400 oo ruux ayaa ku dhimatay tan iyo markii ay bilawdeen rabshadaha dalka Ciraaq.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.