Sheekh Umal: Madaxweyne lagaa dhigan maayee Ilaahey u towbad-keen inta aadan dhiman

0

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay arinta hadal heynta badan dhalisay ee lagu heysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Cabdiraxmaan uusan aqoon u laheyn xadiithkaas, isla markaana uu noqday qofkii ugu horeeyay ee dura.

“Xadiithka macnihiisa muusan fahmin, waayo markii Nabigeenna Muxamed NNKH uu fasirayay Aayad Qur’aan ah oo Al-baqro ku jirta ayuu ku fasiray oo salka u dhigay, waana dhici kartaa inuu xadiithka fahmay oo kas uu unaqdinayo, ninkaas xadiithka inuu naqdiyo oo duro waxuu u sameynayaa oo hadalkiisa ka cad inuu helo dumar siyaasadda ku taageera, macnihiisuna waxaa u gartay xadiithkaas ma jiree siyaasadda waad gali kartaane hadii aan kursiga helana waan inka qeyb gali doonaahe itaageera” ayuu yiri Sheekh Umal.

Umal oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaana ninkaas ula yaabey ragii dalka burburiyay oo dadka qaxiyey oo xasilooni darada hor boodayey ayaa maanta kursiga lagu abaal mariyey, hadana taas intay ka soo tagtay ayey mareysaa in diinta durideeda kuraas nagoola raadiyo”.

“Marka uu xadiithka durayo dhinaca kale waxa uu amaanayaa islaan gaalnimo ku weynaatay oo 70 jir ah oo intaa gaalnimo kula ekaatay, culumadii muslimiinta ayuu ku been abuuranayaa oo uu leeyahay xadiithkaas culumadaa meelahaan ka keenkeentay oo jeebkooda kala soo baxday, marka ninkaas waxa uu u baahanyahay in la dhaho adeerow diinta noo nabad gali, waana rajeynayaa inay gabdhaha muslimiinta ah dhihi doonaan” ayuu hadalkiisa Sheekh Umal sii raaciyay.

Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Umal ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uusan masuul muslim hoggaaminkara aheyn, isla markaana uu kula talinayo inuu toobad keeno inta uusan dhiman.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan dhihi lahaa towbadbaa kuu furane towbad keen, Ilaahey u soo noqo towbaddaadana iclaami, kana noqo khaldka aad gashay, towbaddu waa furantahay inta aad nooshahay, sidaas u madna ku hogaamin meysid kursina ku heli maysid Madaxweynana lagaa dhigan mayo, umaddana diinteeda hadaad ku cayaarto aakhira la’aan iyo aduun la’aan baa kugu dhici ee Ilaahey u soo noqo”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.