Xisbiga Wadajir: ‘Waxaan canbaareynaynaa tallaabada ay DF ku dhiira galinayso falka iyo fatwada argagixisada’

0

Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saarey waxa uu ku cambaareeyay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaa oo uu ku sheegay Cabdiraxmaan uu ku dhacay ‘falka kufri ah’.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fursad u siisaye rag argagixiso ah inay baneystaan dilka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Xasan Daahir Aweys waa maxbuus u xiran argagaxisanimo,waxaana ilaaliya oo gacanta ku haya hey’adda Nabad sugidda ee NISA mana heli karo fursad uu farriin ku soo diro hadii aysan dowladdu gacan ka siin waxaa kaloo la ogyahay in xiriir dhanka fikirka ah uu ka dhaxeeyo Xasan Daahir iyo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda.

 

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir:

Wadajir
Wadajir

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.