Kenya oo Kismaayo ku soo rogtay amarro dhanka duullimaadka ah

0

War kasoo baxay Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa waxaa amaro cusub oo dhinaca duulimaadka ah lagu soo rogay diyaaradaha ka duula Garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo, kuwaas oo ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Amarkan ayaa lagu shaaciyey in diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaan la xiriira dhinaca ammaanka.

14-kii bishii la soo dhaafay ee November ayaa kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya waxay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in diyaarada ka baxda Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi oo aysan ku sii hakan magaalada Wajeer.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu mariyo.

Intii uu jiray khilaafka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxay si toos ah uga dagi jireen Nairobi siimana mari jirin Wajeer, waxayna dowladda Kenya hada soo saartay go’aan ay sii marayaan magaalada Wajeer si loogu sii baaro.

Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka Jubaland, waxaa haatan saaran xayiraad dhanka duullimaadka ah oo ay kusoo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn maamulkaas.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.