NISA oo soo bandhigtay Shabaab la qabtay xilli uu weerar qorsheynayey

0

Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ruux isku dayey inuu Bam gacmeed ku weeraro.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in ruuxaan oo ka tirsan Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed  tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh”ayaa lagu yiri qoraalkan oo xalay ka soo baxay hey’adda Nabad sugidda.

NISA ayaa sidoo kale bogeeda ku soo ban dhigtay sawirka ruuxaas iyo Bam gacmeedkii uu sida la sheegay ku weerari rabay ciidanka, hase yeeshee qoraalka laguma shaacin magaca shakhsigaas.

Ek5ijhdx0aaznom 1
Ek5ijhdx0aaznom 1
Ek5ijhbxuaikqi3 696x522
Ek5ijhbxuaikqi3 696×522

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.