Muxuu qabanayaa Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya?

0

Machad lagu tababarayo kaadiriinta diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa dib looga furay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Machadkan ayaa xirnaa tan iyo burburkii xukumaddii dhexe ee uu majaraha u hayeey Allha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaana dib u furistiisa gacan ka gaysatay dowladda carbeed ee Qatar.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay in furitaankan “uu bilow cusub u yahay waayaha diblomaasiyadda Soomaaliya si loo tababaro jiil dhalinyaro soo baxaysa oo awood u leh la falgalka arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka.”

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.