Musharaxiinta dimoqoraadiga ee iskaga haraya ololaha doorashada Mareykanka oo sii kordhaya.

0

Xilli ay sii kordhayaan musharaxiinta dimoqoraadiga ee iskaga haraya ololaha doorashada Mareykanka ayaa waxaa markanna ololahaasi iskaga hartay haweeneeda lagu magacaabo Kamala Harris.

Sanataradan ayaa laga soo doortaa gobolka California ee dalka Mareykanka.

Kamala oo 55 sano jir ah ayaana caan ku ah dhaleeceenta  madaxwaynaha talada haya ee dalkaasi Donald Trump.

Mrs Harris ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twiterka kaga raali galisay taageerayaasheeda iskaga haritaankii ololaha doorashada.

“Waxaan doonayaa in aan idiin cadeeyo, in aan u dagaalami doono maalin walba sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dhamaan muwaadiniinta Mareykanka” ayaa sii raacisay qoraalka ay soo dhigtay barteeda twiterka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.