Maamulka G/Banaadir oo soo ban dhigay diyaar garowgiisii ugu dambeeyay

0

Iyadoo saacadihii u dambeeyay ay isi soo tarayeen digniino ku aadan in dalka ay ka da’ayaan roobab dabeylo wata ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa uu soo bandhigay u diyaar garowgiisa ku aadan ka jawaabidda arintaas.

Xarunta gadiidka gurmadka degdega ah ee degmada Wadajir ayaa lagu soo bandhigay nuucyada gaadiidka kala duwan ee gadiidka gurmadka  iyo shaqaale, kuwaas oo ay sheegeen inay heegan ugu jira maaraan maareynta hadii dhib ka dhasho roobabka mahiigaanka ah la saadaaliyay inay dhawaan ka di’i doonaan dalka.

Aadan Sheekh Cali Fiidow guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in heegan booxa ay galiyeen qeybaha kala duwan ee gaadiidka gurmadka deg-dega iyagoo uga gol leh u diyaar garowga marxalad kasta oo soo wajahda shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in markii laga soot ago diyaarinta gaadiidka gurmadka ah iyo shaqaalihiisa uu maamulka gobolku u diyaar garoobay ka jawaabidda hadii ay khatari dhacdo.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wax badan ka barteen roobabkii xooga lahaa ee dhawaan dalka ka da’ay. Kuwaas oo daadad khasaare dhaliyey ku rogay magaalooyin ay ku jirto Muqdisho.

Diyaar garowgaan uu muujinayo maamulka gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya iyadoo 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay iska soo daba baxayeen digniino ku aadan in roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata lasaadaalinatyo inay dalka ka da’aan.

1
1
2
2
4
4
856f7a24 Efc1 4bc2 A259 74ea165300d8
856f7a24 Efc1 4bc2 A259 74ea165300d8

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.