Khilaaf culus oo ka dhex aloosan Wasiirka amniga Puntland iyo Guddoomiyaha G/Bari

0

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka taagan Khilaaf ka dhex qarxay wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Cabdisamad Abwaan).

Labada masuul ayaa sida la sheegay isku aragti ka noqon waayey sida loo wajahayo xiisadda ka dhex aloosan wax-garadka gobolka Bari iyo xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Dani.

Waxaana haatan xabsiyada magaalada Boosaaso ku xiran inta badan siyaasiyiintii iyo odayaashii dhaliilaha u jeediyey madaxda maamulka Puntland, iyadoo ay xusid mudantahay in dulucda khilaafka soo kala dhex galay war-garadka gobolka Bari xukuumadda Dani uu ka dhashay walaac laga muujiyey heshiiska shirkadda DP World ay ku mamusho dekedda magaalada Boosaaso.

Inkasta oo wasiirka amniga Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Bari midkooda uusan ka hadlin khilaafkan iyo halka ay wax u marayaan hadana xubno qeyb ka ah howsha labada masuul ay ka wadaan gobolka Bari ayaa sheegay inay isku hayaan siyaasadda ay xukuumaddu ku wajahayso bulshada wax qabadkeeda dhaliilsan eek u nool gobolka Bari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.