Akhriso: Nuxurka hadalladii ay maanta xildhibaanada isku dhaafsadeen ka doodistii sharciga doorashooyinka

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hor hadlay golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ay tahay guul in dalka uu yeelanayo axsaab siyaasadeed kuwaas oo la soo dooranayo muddo dheer kadib.

Fiqi waxa uu yiri “Muwaadiniinta waxaa ay xaq u helayaan runtii doorasho xor ah oo waligood oo aysan arag muddo 50 sano ku dhow, ayada qofkii 10 sano jiray 1969-kii uusan xaq u laheyn inuu codeeyo, marka waxaa ay noqonaysaa in 67 sano qofka maanta jira doorasho qof iyo cod ah kama qeyb galin oo dalka Soomaaliya gudihiisa ah, marka laga reebo gobalada qaarkood, waa baarlamaankaan iyo dadka Soomaaliyeed badankood inta nool marka fursad weyn ayey u tahay inuu wado cusub dalkaan qaado”.

Xidhibaan Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sharciga doorashooyinka  uu yahay sharci looga gudbayo inuu yimaado isqabqabsi siyaasadeed oo ka dhex dhaca  madaxda dalka iyo dowlad gobaleedyada iyo hanaankii Qabiilka.

“Sharcigan walwal tire ayaan u bixiyey, waxaad xor ka noqoneysaa odeygii Qabiilka ahaa ee dhibka badnaa, waxaad xor ka noqoneysaa Madaxweyne dowlad gobaleed oo ku dhibi kara, waxaad xor ka noqoneysaa madaxda Villa Soomaaliya joogta ee aad saf ugu galeysid aniga Xildhibaan iga dhig, Walwaltire ayaa la yiraahdaa marka Sharcigaan xeerarka kala duwan ee doorasho oo dal leeyahay ayaa lagu maareeyaa”.

Sidoo kale Xildhibaanadii hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo xusay in hanaanka la soo gudbiyey ee doorashooyinka uu luminaayo hanaankii awood qeybsiga ee lagu heshiiyey, taas oo horseedi karta inuu yimaado is qabqabsi.

Saabir waxa uu yiri “Dastuurkeena waxaa uu qorayaa waxaan ku heshiiney heshiis awood qeybi haddii uu awood qeybisigii meesha ka baxo waxaan u noqoneynaa Khilaaf xoogan listada xiran oo horay loo soo gudbiyey hanaankaan laga soo badalay ciladaheeda waxaa ugu daran uguna muhiimsan waa awood qeybsigii oo meesha ka baxaya”.

Xidhibaan Saabir oo sii hadalaayo ayaa sheegay in hanaanka listiga xiran in xisbiyada ay keenaan intii loogu talo galay taas oo horseedi karta in xisbigii uu burburo ama laga dhaxlo khilaaf aan dhammaan waxaana uu yiri “Sida aan la soconno listiga xiran xisbi waliba waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo 275 xildhibaan, 275 xildhibaanna waxaa la rabaa in la kala doorto oo qof waliba uu Numbar ka galo Numbarkiisana la cayimo, xisbiga aan ka tisan nahay marnaba ma aqbalaayo inaan numbarka 100-aad aan noqdo waxaa laga yaabaa inuu xisbigu 100 cod uusan heli karin waxaa imaanaya isqabqabsi axsaabta dhexdeedaa waxaana imaanaya in axsaabtii burburto”.

Dhanka kale Xidhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Beena Beene oo ka hor hadlay golaha ayaa sheega in sharciga doorashooyinka ay muhiim tahay dhammaan xildhibaanada in ay asaga ku mashquulaan sidii loo ansixin lahaa maadaama uu yahay sharci la doonayo in umadda lagu dhaqo boqolka sano ee soo socoto ee aan lagu mashquulin sida ay u qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah sanadka soo socdo.

Beena Beene waxa uu yiri “Waa in ay noo kala cadaato ma waxaan xalinaynaa doorasho sanadka soo socdo nuucii ay u dhici laheyd oo ku rajiister gareyan sidii aan annagu aan ku soo noqon laheyn iyo sharaarkeena inaan tolono miyeey xalkeena tahay mise sharci doorasho oo 50-ka sano ee socota ama 100-ka sano ee soo socdo inaan xal ka gaareynaa, haddii aan dooneyno inaan doorashada sanadka soo socota aan qaabeysano waxaan u malaynaa u jeedadu waa naga qaldamaysaa, waa inaan saxnaa dalkeena Soomaaliyeed sharci doorasho oo boqolaalada sano ee soo socota lagu maamulaayo”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka hor hadlay golaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in sharciga doorashooyinka awoodaha lagu kala qeexo waxaana uu yiri “Haddii aad fiiriso qodabka 90-aad ee dasduurka awoodaha Madaxweynaha waxaa uu sheegayaa Madaxweynuhu inuu magacaabayo wasirka 1-aad oo uu ka magacaabi karo qof kasto oo Soomaali ah oo buuxiya, taas meesha waxaa ay ka saareysaa in xisbigii aqlabiyadda helay uu xukuumadda soo dhiso waxaa ay u baahan tahay in la is waafajiyo qodobadaas dastuuriga ah oo kaalinta xisbiyada awooda tartanka siyaasadda iyo doorashada Madaxweynaha oo keenaysa awoodo badan oo xisbiyadu lahaan lahaayeen in uu Madaxweynihii qaato”

Xildhibaan Cabdishakuur oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri “saxiibadey waxaa ay ku sheegeen soo jeedintooda, Soomaaliya waa dal Baarlmaani ah waa dal baarlamaani macnihiisu waxaa waaye xidhibaannada waxaa soo doorta shacabka xildhibaannaduna waxaa ay doortaan madaxda qaranka, Lakiin dowladaha Baarlaamaaniga ah oo dhan haddaad fiirisid awooda siyaasadda waxaa qaata xisbigii aqlabiyadda hela”.

Ugu danbeyn Xildhibaan Sahra Maalin oo dhankeeda ka hor hadashay golaha ayaa sheegtay in ay tahay in lagu noqdo sharciga doorashooyin maadaama uusan isku dheeli tirneen qoondada haweenakana sidii rabay aan loo muujin waxaana ay tiri “Qoladaan aad ayeey u soo shaqeeyeen waxaa ay tahay in sharcigaan lagu noqdo maadaama aysan dheelitir jirin oo dadkii soo qoraayey aysan u sineen, arrimaha culeeska leh waa in gabdhaha ku yar yihiin waxaad ka fahmee xushmo ahaan ha loogu soo daro aniga qof nool ayaan ahay xushmo ahaan miyaa wax la ii siinaa, aniga iyo wasiirkayga Illaah ayaa nawada abuuray isku si ayaa wax u leenahay, xushmo ahaan dumarka waxha loo siiyo raggana caadi haloo siiyo meel ay ku taalo majirto.”

Xigasho: Goobjoog News

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.