R/Wasaarihii hore ee Malaysia oo qirtay inuu lunsaday malaayiin Dollar

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najiib Rasaaq ayaa qirtay in uu si sharci darro ah ku lunsaday aduun dhaqaale oo gaaraya 42 milyan oo dollar.

Ra’iisul wasaare Najiib ayaa lagu wadaa in uu mar kale ka soo hor muuqdo maxkamadda Sare ee dalka Malaysia.

Mr Najiib Razaaq iyo xaaskiisa ayaa wajahaya dacwado kala duwan, waxayna ku wada eedeysanyihii lunsashada xoolo dad weyne.

Wasiirkiisii maaliyadda ayaa isaguna wajahaya eedeymo la xariira musuq maasuq iyo inuu wax badan ka ogaa sida ay ku baxday lacagta la lunsaday ee uu qirtay Ra’iisul Wasaare Najiib.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.