Musharax Odawaa oo baaq deg-deg ah ka soo saaray khatar ka taagan Galmudug

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka mid ah  musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay uga hadlay xaalad khatar ah oo haatan ka taagan inta badan dhulka uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

Inta badan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug ayaa waxaa ku dagay Ayax la’aaminsanyahay inuu ka yimid dhanka dalka Itoobiya, kadib markii ay iska sumeysay dowladda Itoobiya.

Musharax Cabdiraxmaan Odawaa ayaa dowladda federaalka, madaxweynaha Galmudug, hoggaanka Ahlu-Sunna, Musharaxiinta Galmudug  iyo hey’adaha caalamka ee caawiya Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in si deg-deg ah la iskaga kaashado sidii loo cirib tiri lahaa Ayaxa ku habsaday dhulka miyiga ah oo dhameeyay daaqii ka dhashay roobka.

Halkaan ka Daawo:

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=133876901366045&id=100829144670821

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.