Mareykanka oo mar kale Turkiga cuna qabateyn ugu hanjabay
Dowladda Mareykanka ayaa Ankara uga hanjabtay inay ku soo rogi doonto cuna qabateyn haddii Turkigu joojin waayo hubka uu ka soo iibsado wadanka Ruushaka,
Mareykanka ayaa si gaar ah u diidan inuu Turkigu soo iibsado gantaalada loo yaqaano S4, kaas oo wal-wal badan ku abuuray wadamada la isku yiraahdo Neyto.
Tani waxaa ay imaaneysaa iyada oo wadamada Neyto ay u dabaal degayaan 70 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaskii ururka, waxaana magaalada London ee dalka UK uu haatan shir uga socdaa wadamada ku bahoobay urukaas.