Golaha Aqalka sare oo ansixiyay qodobo dhowr ah.
Senetorada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo la hor geeyay.
Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee kalfadhiga 6aad ayaa waxaa shir guddomiyay guddomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari).
Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey wax ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka, waxaana u codeeyay ama ay ogolaaday ansixinta sharcigaas 30 mudane.
Guddomiyaha guddiga dhaqaalaha ee golaha Aqalka Sare Senetor Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha golaha u soo gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi