DFS oo digniin ka soo saartay roobab dabeylo wata oo ku soo wajahan dalka

0

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadashay roobab duufaanno wata oo laga cabsi qabo inay ka da’aan dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in la saadaalinayo in roobabkaasi da’aan saacadaha soo socda, loona baahan yahay in la muujiyo feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in heegan buuxa la geliyey dhamaan laamaha gurmadka iyo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah.

Qaraalka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay in 24kii saac ee la soo dhaafay tuulooyin gaaraya  25 uu saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle, kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Halkaan ka akhriso warqadda Digniinta:

Dow
Dow

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.