Askari lagu dilay magaalada Dhuusamareeb
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa goor dhaw lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ee dhawaan la geeyay magaaladaas.
Askariga ayaa waxaa dilay askari kale oo isna ka tirsan ciidanka dowladda, kadib markii uu muran soo kala dhex galay labada Askari.
Dad goobjoog ahaa xilliga uu dilku dhacayey ayaa sheegay in labada askari ay murmeen intaas ka dibna uu askariga wax dilay xabad ku dhuftay marxuumka.
Ciidamo kale oo ku sugnaa goobta ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen askarigii dilka geystay, kaas oo lagu xiray saldhigga magaalada Dhuusamareeb, walina dilkaas kama aysan hadlin saraakiisha ciidamada ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb.