Taliska Booliska oo war ka soo saaray roobab la filayo inay dalka ka da’aan

0

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo la filayo inay dhawaan dalka ka da’aan laga baqdin qabo inay geystaan khasaare soo gaara dadka, in kastoo aan la cayimin goobaha ay ka jirto cabsida ugu badan.

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa barteeda xiriirka Bulshada ku baahisay fariin kooban oo ay uga hadlayso arintaas, iyadoo shacabka ku wargalisay in booliska gobolka Banaadir iyo laanta gurmadka deg-dega ee dowladda hoose ee Xamar ay u diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale shacabka u gurmada hadii loo baahdo.

Sidoo kale Zakiya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in qofkii u baahda in loo fidiyo gurmad deg-deg ah uu la xariiro lambarka gaaban ee 991.

“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag iyagoo wacaaya number 991” ayey qoraalkeeda ku tiri Gen. Zakiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.