Jubbaland oo war cusub ka soo saartay duqeyn ka dhacday Jilib

0

Afhayeenka hay’adaha amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta kula hadlayey Kismaayo ayaa faah faah ka bixiyey duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Cabdinuur ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib markii gantaal lala eegtay gaari uu la socday.

Afhayeenku ma shaacin magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay inuu dhibaato ka waday deegaanada maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Duqeyntaasi ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha Mareykanka, waxaana war ka soo baxay AFRICOM lagu sheegay in lala beegsaday xubno Shabaab ah oo ku suganaa degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.