Jabhadda Korneyl Caarre oo weerar culus ku qaaday ciidanka Somaliland

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhasha weerar xalay saqdii dhexe jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caare ay ku qaaday saldhigga ciidamada Somaliland magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay inuu ku bilowday qoryaha waa weyn iyadoona dagaalku uu socday muddo dhowr daqiiqo ah

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay mar qura ku soo tuseen rasaasta la is weydaaranayey.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’eg yahay khasaaruhu.

“Anaga oo iska joogna ayaan waxaan maqalnay rasaas fara badan oo dhaceysa,waxaana naloo sheegay in Ciidamada Korneyl Caare ay weerareen saldhiga Dhexe ee Magalada Ceerigaabo, khasaarana wuu jiraa balse ma ogin xaaladuna waa ay saakay degan tahay ayuu yiri.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka Somaliland ay sameeyeen iska caabin xoog leh, welina saraakiisha ciidanka Somaliland ma aysan ka hadlin weerarkaas iyo khasaaraha ka soo gaaray.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka baxay dhinaca jabhadda hubeysan ee Korneyl Siciid Caare, kaas oo la xariira dagaalka ay xalay ku qaadeen ciidamada Somaliland ee ka howlgala gobolka Sanaag.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona gudaha magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo amni xaqiijin ah ka bilaabay halkaas.

Inta badan Korneyl Caare oo si weyn uga soo horjeeda Somaliland ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada xarumaha ciidamada Somaliland ee gobolada Sool iyo Sanaag.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.