Puntland oo dalacsiisay sarkaal ay xaaskiisa qabadsiisay cudurka HIV/AIDS

0

Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu dalacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo horey u ahaa Kabtan.

Bashiir oo ah Taliyaha kontaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor.

“Waxaan maqli jirey berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas. Waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuqsameeya inaan u aqoonsan doono inuu yahay Dambiile go’aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan. Waxaan farayaa Hay’adda PAC inay caawiyaan qofkasta oo aan awoodin daawada inuu qaato, waxaan dhawaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqidoona xanuunkan. Waxaan faraya cid kasta oo shaqo kuleh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunkaas.” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wareegtada ayaa u qroneyd.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey

Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa sidoo kale ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe, waxaana cudurka HIV/AIDS ku riday xaaskiisa.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dalacsiinta sarkaalkan ayaa ku soo beegantay maanta oo dunida looga aqoonsaday maalinta cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka.

Muuqaal Taliye 1
Muuqaal Taliye 1

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.