Doorasho ka dhacday dalka Namibia oo mar kale uu ku guulaystay Madaxwaynihii….

0

Madaxwaynaha dalka Namibia Hage Geingob, ayaa markale dib loogu doortay doorasho ka dhacday dalkaasi sida ay ku dhawaaqeen gudiga doorashada.

Mr Geingob ayaa doorashadii arbacadii dhacday ka helay codad gaaraya 56.3%, halka musharaxii ku soo dhawaana uu helay codad gaaraya 29.4%.

Xisbiga talada haya ee Swapo ayaa dalkaasi xukumayay 30’kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii xornimada ka qaateen dalka Koonfur Afrika.

Doorashada ka dhacday dalka Namibia ayaa kusoo aadeeso xilli dalkaasi uu wajahayo dhaqaalo xumo aad u liidato.

Madaxwaynaha dib loo doortay ayaa mar uu warbaahinta lahadalayay sheegay in uu aad ugu farax sanahay in dalkiisa ay ka dhacdo doorasho xor oo xalaal ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.