Yemen: Sacuudiga oo duqeyay xaafado ay degan yihiin dad rayid ah

0

Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku naf waayay ku dhawaad 10 kalena waa ay ku dhaawacantay duqeyn diyaaradaha isbahaysiga ka geysteen magaalada Sacda ee dalka Yemen.

Warbaahin ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeynta oo ku dhacday xaafado ay dad rayid ah degen yihiin ay sidoo kale burburiyeen xarumo caafimaad.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Xuutiyiinka  sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dawladaha isbahaysiga ee taageeraya dawlada la aqoonsanyahay ee dalka Yemen.

Duqeymaha aad bay ugu badan yihiin dalka Yemen Arbacadiina illaa 10 ruux oo la sheegay inay ahaayeen tahriibayaal Afrikan ayaa ku geeriyooday kadib markii gantaal kula dhacay xadka Sacuudiga iyo Yemem.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay colaada Yemen ay cunno la’aan dhigtay in ka badan 20 million oo ruux.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.