Weerar ka dhacay magaalada Heeg ee dalka Holland.

0

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa klu dhaawacantay weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ku taala magaalada Heeg ee dalka Holland.

Sida wararku sheegayaan qof toorey watay ayaa gudaha u galay dukaan ay dad badan ku sugnaayeen waxaana uu qofkaasi dhaawacay 3 ruux kuwaasoo xarumaha caafimaadka loo qaaday

Booliska magaalada Heeg ayaa sheegay inay baadigoob ugu jiraan ruux la tuhunsanyahay inuu weerarkaas ka dambeeyay oo baxsaday.

Haweeney Afhayeen u ah booliska dalka Holland oo la yiraahdo Marije Kuiper ayaa sheegtay in qof ku jira da’aada 45 illaa 50 sanno ay ku tuhunsan yihiin inuu weerarkaasi geystay inkastoo ay baaritaan willi wadaan.

Weerarkaan ka dhacay magaalada Heeg ee dalka Holland ayaa yimid saacado kadib markii weerar ay 2 ruux ku geeriyootay 3 kalena ku dhaawacantay uu ka dhacay caasimada Ingiriiska ee London.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.