Weerar ka dhacay London iyo Booliska oo ka war bixiyey.

0

Ruux ku hubaysan tooray ayaa jimcihii weerar ka gaystay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Booliiska ayaa sheegay in ruuxa weerarkaasi ka danbeeyay uu horay u ahaa maxbuus u xiran arimo laxariiro argagaxiso.

Booliska ayaa ninka weerarka gaystay ku sheegay 28’sano jir lagu magacaabo Cusmaan Khaan, kaas oo dilay haweenay iyo nin halka sadax kalana uu dhaawacay.

Khaan ayaana markii dambe u dhintay toogasho ay u geysteen ciidamada booliska.

Ninkan oo xabsiga laga sii daayay bishii December ee sanadkii hore 2018, ayaa waxaa sii deentiisa cambaaray’yay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Boris Johnson.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.