Toogasho ka dhacday marinka Gaza.

0

Ruux Falastiini ah ayaa dhintay halka shan kalana ay dhaawacmeen, kadib toogasho ay ciidamada Yahuuda ka gaysteen koonfurta marinka Gaza.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee marinka Gaza, ruuxa dhintay ayaa ah 16 sano jir lagu magacaabo Fahad Al-Astal, kaas oo u dhinta xabad ay Yahuudo kaga dhufteen caloosha.

Ugu yaraan 348 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay toogashada iyo weerarada dhanka cirka ah oo ay ciidamada Yahuudo ka geesanayeen marinka Gaza, tan iyo bishii March sanadkii 2018, iyadoona kala bar dadkaasi dhintay ay ahaayeen dibad baxyaal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.