Odawaa: Dowladdu ciidanka Itoobiya ayey ku boobaysaa doorashada Galmudug

0

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaliya haatana ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa war ka soo saaray ciidanka Itoobiya ee la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa u jeedka ciidamada Itoobiya loogu daabulay Dhuusamareeb ku tilmaamay mid lagu boobayo doorashada Galmudug oo ay dowladdu rabto inay musharaxiinta kula loomaysa tartanka u adeegsato, hase yeeshee aysan isaga taasi cabsi galineyn.

Hoos ka akhriso qoralka uu soo saaray Odawaa:

Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso.

Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia.

Dhacdooyinka soo socda ayaa marqaati u ah xogtaan hoos ku xusan:

  1. Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad hayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaahid Qalbi-dhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali badan oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay maanta nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku kooban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd.
  2. Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaayay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi ugu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo illaa hadda aan sharciga la hor keenin.
  3. Waxa uu isku dayay in uu ku weeraro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, laakin Madoobe oo ka khibrad badan kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diyaaraddu ku dagato, sidaas ayayna ciidamadii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fashilmeen.
  4. Waxaa hadda ka socda deegaannada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u gaysan

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.