Maxay tahay sababta Nabadoonada loogu xiray Boosaaso?

0

Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah waxgaradka gobolka Bari, kuna nool magaalada Boosaaso ayaa faahfaahin ka bixiyay sida loo qabtay laba nabaddoon oo xalay iyo saakay lagu xiray magaalada Boosaaso.

Labada Nabaddoon ee la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, waxayna xubno firfircoon ka yihiin odoyaasha dhaqanka magaalada Boosaaso, iyadoo ay xusid mudantahay in xukuumadda Puntland ay shalay warbaahinta u mariyeen dhaliil ay ka qabaan heshiisyo ay sheegeen in maamulka Puntland uu la galay dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Caaqilka ayaa sheegay in labada Nabaddoon ee la xiray mid xalay loogu dhacay gurigiisa, halka kan kalena saakay laga qabtay suuqa weyn ee magaalada Boosaaso.

Caaqil Abshir ayaa xariga labadaas nabadoon ku tilmaamay  mid aan loo marin sifo sharci ah, isagoo sheegay inay cambaareynayaan xiragga iyo caga jugleynta lagu hayo nabadoonada gobolka Bari ee Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.